Waxaa marba marka ka dambaysay sii xoogaysanaya walaaca ay muujinayaan kooxaha daba-dhilifyada Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeyey markii dhawaan Maraykanka si cad u sheegay in dhammaadka sannadkan uu jaraayo saadkii iyo dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada Afrikaanta.
Madaxweynihii hore ee kooxda Villa Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa afka furtay mar uu xalay ka hadlay kulan ka qabsoomay magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in ciidamada Afrikaantu ay baxayaan, Soomaaliyana ay ku socoto sidii ka dhacday dalka Afganistan.
Waxa uu rajo-beel xooggan ka muujiyey awoodda maleeshiyaadka dowladda iyo sidoo kale guud ahaan mustaqbalka daba-dhilifyada Soomaaliya, isagoo si cad uga sanqariyey in ifafaalaha muuqdaa uu yahay la-wareegista jihaadiyiinta ee dalka Soomaaliya.
Intii Shariifku uu ku gudo-jiray jeedinta hadalkiisa, ayuu soo bandhigay welwelka xooggan ee dul-hoganaya guud ahaan daba-dhilifyada Soomaaliya, isagoo ku cataabay in la tashi la iskugu yimaaddo ka hor inta aan la isku buuran garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
"Hadii waxani sii socdaan, maxaa dhici kara mala isweydiiyey, calaamaadka hadda muuqdana, ma fiicna, ciidamada AUSSOM hadday baxaan, maxaa talo ah, ma rabno annagu inaan ku waaberiisanno iyadoo garoonka diyaaradaha laga wada buuxsamay oo la kala cararaayo…” ayuu yiri Shariif.
Hadalka Shariif Sheekh ayaa imanaya xilli kooxda Villa Soomaaliya ay maalinnimadii shalay shir ka dhacay caasimadda Uganda oo ay isugu yimaaddeen madaxda dalalka AUSSOM, ka sheegtay in aysan haysan maleeshiyaad sugi kara amnigooda haddii ciidamada Afrikaantu ay ka baxaan Soomaaliya.
FG: Kusoo biir channellada aanu ku leenahay telegram:
